Ku dhawaad '100' katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE - Ku dhawaad 80 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay howlgal ay ciidamada xooga ee dalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 52aad ee Ciidamada xooga ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali [Tareedishe] ayaa xusay in howlgalada lagu dilay xubnaha Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka degmada Moqokori.

Howlgallada ayaa socday muddo afar bilood, sida uu sheegay Taliye Tareedishe isagoo intaasi ku daray hadalkiisa inay sii socon doonan weerarada ay ku wiiqayaan awoodda kooxda Al-Shabaab ee gobolka.

“Howlgaladaan oo si guul ah kusoo dhamaaday, waxaa laga fuliyay degmada Moqokori iyo Tuulooyinka ku dhow Beledweyne, waxayna socdaan afar bilood, waana sii wadaynaa," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Degmada Moqokori ayaa Todobaadkii tagey gacanta u gashay Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen Ciidaamadii halkaasi ku sugnaa oo ah kuwa dowladda Federaalka, kuwaasi marki dambe dib ugu laabtey.

"Xaalad dagaal ayaana uga soo baxnay Moqokori, waxaana diyaar u nahay inaan dib ugu laabano, waana sii wadaynaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, oo dhibaato ku haysa shacabka," ayuu yiri Taliyaha.

Marka laga yimaado sheegashada Tareedishe, ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya iyo war Al-Shabaab kasoo baxay oo ku aadan howlgallada la sheegay in looga dilay 80-ka dagaalyahan.

Howlgalo iska soo horjeeda oo ay sameynayaa ciidanka dowlada iyo Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe ka dhacayey gobolada dalka, kaasoo saameyntiisa inta ugu badan ku yeeshay dadka Rayidka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM