Ku xigeenka hogaamiyaha Daacish oo lagu dilay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaalya - Saraakiil ka tirsan sirdoonka dowladda Federaalka, ayaa sheegay in Muqdisho lagu dilay ku xigeenka hogaamiyaha garabka Daacishta ee Soomaaliya, oo ku xoogan degaanada Puntland.

Xubnaha Sirdoonkan oo magacyadooda qariyay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in meydka sarkaalka Daacish oo lagu magacaabo Mahad Maalin laga helay meel ku dhow xeebta Muqdisho, todobaadkii hore.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Maalin lagu afduubtay magaalo madaxda dalkaan Geeska Afrika ku yaala maalmo kadib markii uu si qarsoodi ah uu ku yimid Muqdisho, xili uu ah mid xanuunsan.

Madaxda u hadashay muqaadaraadka Soomaaliya ayaa kasoo xigtay qoyska Maalin in afduubkiisa ay ku eedeeyeen ku xigeenada ee xoogaga Daacish, kuwaasi oo doonayey inay jagada kala wareegaan.

Daacish-ta dalka sugan ayaa waxaa aas-aasay Cabdiqaadir Muumin, kaasi oo ah Soomaali haysta dhalashada Ingiriiska, waxaana la sheegay in kooxdani ay haysato tobaneeyo dagaalamayaal hubeysan ah.

Weerar ubadan dilal qorsheysan ayey kooxdaan sheegatay inay ka fulisay woqoyga Soomaaliya iyo duleedka Muqdisho xili ay dhaqaalo ka sameyso lacago ay shacabka uga qaado meelaha ay ka howlgasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM