​Kulan deg-deg ah oo amniga Somalia laga yeeshay

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Somalia ayaa xalay kulan deg deg ah la qaaday qaybaha kala duwan ee xukuumadda iyo saaraakiisha amniga dalka Somalia, waxaana looga hadlayay xaaladda dalka iyo weerarada kooxda Shabaab ka fulisay magalooyinka Muqdishu iyo Baydhabo.

Shirka ayaa lagu lafa-guray sida laga yeelayo weerarada Al-Shabaab, waxaa sidoo kale warbixino looga dhagaystay taliyaasha Boliiska iyo nabad sugidda Somalia.

Kulanka oo shir gudoominayay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, waxaa la isku afgartay in la qaado weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale la isku raacay in laga sifeeyo deegaanada kale ee Somalia gacanta ku hayaan.

Isu-imaatinka madaxda ayaa timi xilli shalay 28 Febrayo weerar qorshayn uu ka dhacay magalada Baydhabo xarunta maamulka Koonfur Galbeed Somalia, waxaana kasii horeeyay weerar lagu qaaday magalada Muqdishu gaar ahaan Hotelka SYL.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM