​Kulan deg-deg ah oo amniga Somalia laga yeeshay

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha Somalia ayaa xalay kulan deg deg ah la qaaday qaybaha kala duwan ee xukuumadda iyo saaraakiisha amniga dalka Somalia, waxaana looga hadlayay xaaladda dalka iyo weerarada kooxda Shabaab ka fulisay magalooyinka Muqdishu iyo Baydhabo.

Shirka ayaa lagu lafa-guray sida laga yeelayo weerarada Al-Shabaab, waxaa sidoo kale warbixino looga dhagaystay taliyaasha Boliiska iyo nabad sugidda Somalia.

Kulanka oo shir gudoominayay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, waxaa la isku afgartay in la qaado weeraro ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale la isku raacay in laga sifeeyo deegaanada kale ee Somalia gacanta ku hayaan.

Isu-imaatinka madaxda ayaa timi xilli shalay 28 Febrayo weerar qorshayn uu ka dhacay magalada Baydhabo xarunta maamulka Koonfur Galbeed Somalia, waxaana kasii horeeyay weerar lagu qaaday magalada Muqdishu gaar ahaan Hotelka SYL.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM