Kulanka Gollaha Shacabka oo la baajiyay [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaanadda Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta oo Arbaco ah lagu wadey inay yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa ayaa u baaqdey kooram la'aan.

Fadhiga oo ah kii 7aad, Kalfadhigiisa afaraad ayaa waxaa looga doodi lahaa wax ka bedal lagu sameynayo xeer-hoosaadka Gollaha, kaasi oo ay Sharci-dejiyaasha ka doodeen maalmihii lasoo dhaafey.

Sida caadiga ah, fadhiga wuxuu furmi karaa marka ay soo xaadiraan 139 mudane, islamarkaana ay saxiixaan warqadda xaadirinta Mudanayaasha, taasi oo aanan dhicin maanta, sida laga soo xigtey xoghaynta.

Mudanayaal gaaraya 120 ayaa kulankii maanta soo xaadirtey, taasoo ay sheegeen xoghaynta Aqalka Hoose in aanan lagu furi karin Fadhigii maanta ay ku madal-sanaayeen Xilldhibaanadda.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo kulanka ka akhriyey magacyadda Xilldhibaanadda fasax la'aanta ku maqan, halka kuwa kalena uu ku sheegay inay cudur ku seegeen Fadhiga.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Villa Somalia bixineysay lacago siineysay Xildhibaano kuwasoo loo diray wadamada dariska sida Kenya Kenya. 

Villa Somalia ayaa qorshahaan uga gol leh sidii ay u baajin laheyd doodaha amniga ee ka socdey maalmahaan aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya

Kadib markii uu baaqdey kulanka, Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo warbaahinta kula hadlay banaanka xarunta Gollaha waxay ku eedeeyeen Xilldhibaanada maqan inay gabeen shaqadooda.

Mudanayaal kale ayaa soo jeediyey in badi xubnaha maqan ay yihiin wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka iyaga oo Ra'iisul Wasaaraha ugu baaqey inuu xilka ka qaado masuuliyintaasi.

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wadar ahaan ka kooban 329 Mudanayaal, waxaana loo baaqashada ay imaaneysa xili shaqooyin badan oo dhinaca amniga ay horyaalaan Gollaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM