Kulankii Farmaajo iyo Abiy oo lagu soo qaaday 2 qodob oo xasaasi ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxwaynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga magaaladda Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Kulanka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay labada dal ee deriska ah.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy, labada hogaamiye ayaa isku raacay xoojinta heshiisyo ay horey u kala saxiixdeen.

Heshiisyadaasi ayaa daarnaa adkeynta nabada gobolka, waxaana qalinka lagu jiiday booqahsooyin ay is-dhaafsadeen.

Inta uu socday kulankan, Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa isla soo qaaday khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Is-qabqabsiga ayaa salka ku haya muran dhinaca xuduud badda ah si gaar ah goob la sheegay in ay ku jiraan noocyo kamid ah saliida iyo Gaaska.

"Nidaamka lagu xaqiijinayo [xiriirka] Kenya iyo Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarey wadahadalka," ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa.

Hogaamiyaasha ayaa si lamid ah isla soo qaaday in si wadajir ah ay u horumariyaan dekadaha, taasoo qayb ka ahayd heshiisyadii hore.

War-saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in Farmaajo iyo Abiy Axmed ay kawada hadleen in Muqdisho ay xiriir wanaagsan la yeelato maamulka Somaliland.

"Talaabo lagu taageerayo nabada gobolka," ayaa lagu soo xiray qoraalka lagu fahfaahiyay kulanka Abiy iyo Farmaajo, kaasoo kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM