Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday iyo sababta oo la ogaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii lagu waday in mudanayaasha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ayaa u baaqday Kooram la’aan, sida uu ku dhawaaqay gudoonka Gollaha.

Xoghaynta Aqalka Hoose ayaa sheegtay in saddex meelood labo meelo [3/2] ay ka maqneyd kulanka, taasi oo aanan suuragelinaynin inuu qabsoomo kulanka, sida uu xeerinayo xeer-hooska Gollaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa labo qodob oo kala ah; Dhageysiga labaad ee sharciga xuquuqda siinaya Mudanayaasha iyo Siyaasiyiinta xilalka soo qabtay iyo hindisa sharciyeedka duulista hawada iyo saadaasha.

Wasiirka Duulista ee xukuumada Soomaaliya, Maxamed Salaad Omaar ayuu qorshuhu ahaa inuu goobjoog ka ahaa dooda ku aadan hindisa sharciyeedkani, kaasi oo heerarka kala duwan ee akhrinta la marsiin doono.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo baaqshada kulanka kadib hadal kooban jeediyay ayaa carabka ku dhuftay inay wax aanan loo dulqaadan Karin Xilldhibaanada ay iska maqnaadaan.

“Fadhiga soo socda, waa lasoo bandhigi doonaa magacyadda Mudanayaasha fasax la’aanta maqnaa. Sababta oo ah maanta waxaan ushaqayn waynay kooram la’aan,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal, oo luqad adag ku hadlay.

Waa markii labaad oo gudoonka Gollaha Shacabka uu digniin tan lamid ah uu udiray Sharci-dejiyaasha, kuwaasi oo qaarkood la fahansan yahay inay jiraan degaanada maamulada qaar oo ay xasarad ka taagan tahay.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM