Kulankii Kismayo uga socdey madaxda Somalida oo burburey

Image

January 16, 2016 (GO)- Kulankii magaalada Kismayo uga socdey madaxda Somalida ayaa burburey kadib markii la isku afgaran waayey in heshiis laga gaaro qodobkii ugu muhimsanaa ee ahaa in laga gudbo nidaamka 4.5. 

Maamulka Puntland iyo Jubaland ayaa diidey qorshihii ay ku adkeysteen xulafada siyaasdeed ee ka kooban dowlada Federaalka, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in la diyaarinayo qoraal guud ee lagu sameynayo balan kale aan waqtigeeda la sheegin. 

Kulankaan ayaa beesha caalamka ka maqneyd iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in madaxweyne Xasan Shiikh iyo xulafadiisa siyaasada diyaarinayaan kororsi aan waqtigiisa la sheegin. 

Dhinaca kale diplomaasi ka tirsan beesha caalamka oo la hadley Garowe online ayaa sheegey in suurtagal tahay in Somalia dib loogu celiyo nidaamkii la oran jirey Road Map mar hadii heshiis laga gaari waayey wadahadalada socdey.

GAROWEONLINE kala soco wararkii ugu dambeeyey kulankaas.

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM