Kuuriyadda Koonfureed oo balanqaad naadir ah u sameysay Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Ra’iisul Wasaare, ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

Soomaaliya ayaa la tagtay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalkeenna, kuwaas oo ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM