Laba himilo buu lahaa wayse burbureen markii Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugaarsiga Al-Shabaab ee ergooyinka soo dooratay baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, dadka bishan Ramadan lagu khaarijiyey waxaa ugu dambeeyay Cabdullaahi Maxamed Maaxi.

Marxuumka oo 28-sano jir ahaa ayaa lagu toogtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir kahor inta uusan kasoo bixin Masjid uu kusoo oogay Salaadda Jimcaha, sidda ay Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

Saddex oday dhaqameed kale oo badankooda ahaa kuwa da' ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho, fal-dambiyeedyo aysan wali jirin cid loosoo qabtay lana soo bandhigay.

Inkasta oo aysan wali jirin koox sheegatay mas'uuliyadda dilalkaasi balse laamaha amaanka ayaa rumeysan in maleyshiyaadka gacansaarka la leh Ururweynaha Al-Qaacidda in ay ka dambeyso toogashooyinkaasi.

Maaxi, oo kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waayihiisa caruureed wuxuu kusoo qaatay degmada Afgooye oo 30 KM dhanka Koonfur Galbeed uga aadan magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca oo uu waxbarasho u yimid.

Sidda ay xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uu kamid ahaa ergooyinkii mudaneyaasha kusoo doortay magaaladda Baydhabo, caasimad goboleedka Bay, kuwaasi oo qayb kamida ku baxay gacanta xoogaga Al-Shabaab.

Alle ha naxariistee, Cabdullaahi oo gunaanuday Jamaacada heerka labaad [Master-ka] ayaa u guda jiray diyaarinta buuga difaacadasha oo uu ka diyaarinayey Xiriirka Caalamka [International Relationship].

Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose, kana mid ah dadka ay aadka isugu dhowanaayeen Maaxi ayaa u sheegay GO in marxuumka uu Soonka kadib qorsheynayay guur.

"Asaga oo sooman ayey gacan ka xaq-darani dishay [Salaadii] Jimcaha kadib, Ilaahey ha u naxariisto, Janadii firdowsana haka waraabiyo, Aamiin," ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Barre.

Gudoomiye Barre ayaa intaasi raaciyey in Marxuumka uu ku guda jiray dadaalo uu ku doonayey in uu kaga shaqeeyo horumarka degmada Afgooye oo uu ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon.

Muqdisho ayaa amaanka sare loo qaadey bisha Ramadaan hadana ma aysan baajin taasi dilalka qorsheysan, kuwaasi oo laamaha amaanku sheegaan in dad loosoo qabtay balse aysan soo bandhigin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM