Labada Golle ee BF Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo muhiim ah [Akhriso]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan kamid ah fadhiyadda waxay ku qabsadeen xarumaha ay ku leeyihiin caasimada dalka ee Muqdisho.

– Aqalka hoose –

Fadhiga Gollahaan oo ay soo xaadireen 170 mudane ayaa waxaa shir gudoomiye ka ahaa Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaasi oo furitaanka hadalo kooban jeediyay.

Ajandaha ayaa wuxuu ahaa Hindisa-sharciyeedka mashruuca Liilitirka, sharci ku cusub dalka oo xaq-siinaya madaxda, kaasi oo ay geliyaan akhrinta saddexaad, kahor inta aysan ku meel-marin cod gacan-taag ah.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye ayaa mudanayaasha usharaxay muhiimadda sharciga xaqsiinta siyaasiyiinta Dowladda, isaga ka dalbaday inay ansixiyaan.

Sida uu natiijadda coddeynta oo ku dhawaaqay Gudoomiye Mursal, 167 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la meel-mariyo sharciga, halka uu ka hor-yimid hal mudane, waxaana ka aamustay labo kale.

– Aqalka sare –

Ajdanaha fadhiga ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sarre waxa uu ahaa Sharciga dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaanka musuq-maasuqa, oo ay soo diyaarisay wasaarada cadaaladda.

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ahaa shir gudoonka Gollaha, kaasi oo Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta faray inay akhriso xeerkani.

Marwo Zamzam Ibraahim Cali oo ka hor akhrisay sanatarada ayaa dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrintii koowaad iyo akhrinta labaad, waxayna qirtay in isbedalo lagu sameeyay.

Gabagabdii, sharci-dejiyaasha ayaa cod uqaaday Sharcigani, waxaana ogolaatay dhamaan Xubnihii kulanka goobjoog ka ahaa, kuwaasi oo tiradoodu gaareysay 31, sida uu ku dhawaaqay Gudoonka Gollaha.

Sharciyaddaan ay ansixiyeen mudanayaasha ayaa loo gayn doonaa Madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] kaasi oo saxiixi doono kahor inta aanan lagu soo saarin faafinta rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM