Labada qodob uu Turkiga ku heshiisiiyo Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa lagu waddaa in ay mar kale wadahadalo ku yeeshaan Istanbul.

ISTANBUL, Turkey - Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa toddobaadka soo socda ku yeelan doona dalka Turkiga wareeggii labaad ee wada-hadallada tooska ah kaddib markii Ankara ay diyaarisay hindise labada dal kuwada heshiisiineyso, sidda uu Jimcaha maanta ah sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

"Waxaan qorsheyneynaa wareeg labaad oo wadahadal ah toddobaadka soo socda," ayuu yiri Fidan, isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Istanbul wasiirka arrimaha dibadda ee Montenegro Ervin Ibrahimovic, oo booqasho rasmi ah ku tagay Turkiga.

Wasiirada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii July ku yeeshay magaalada Ankara wejigii koowaad ee wada-hadallada tooska ah, waxayna ku heshiiyeen in horraanta bisha Sebtembar la isugu yimaado wareeg labaad.

Wadahadallada uu Turkigu garwadeenka ka yahay ayaa ujeedadoodu tahay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland horaantii sanadkan.

Fidan ayaa sheegtay in labada qodob ee ugu muhiimsan hindisaha ay Ankara diyaarisay ay yihiin in Itoobiya oo aan bad lahayn ay loo ogolaado biyaha caalamiga ah badda iyada oo sii mareysa Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay Fidan, waxaa qodobkan raaciisan in xukuumadda Addis Ababa ay aqoonsato madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo madaxbannaanida siyaasadeed.

Heshiiskii Jan 1-dii ay kala saxiixdeen maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa Addis Ababa u ogolaanaya inay helaan marin ay kusoo galaan Badda Cas si ay u aqoonsadaan Somaliland.

Soomaaliya oo u aragta Somaliland maamul hoos-yimaada Muqdisho ayaa diiday heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda, waxayna ku tilmaantay inuu horseedi karo dagaal. Tani waxay cadaadis caalami ah saartey Addis Ababa taas oo markii dambe keentay wadahadalka Turkiga waddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM