Labo mas’uul oo isku dhex feertay gudaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya

Image
Dagaalkan ayaa salka ku haya qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkad la siiyay qandaraas macaash badan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo mas'uul ayaa lasoo wariyay in ay isugu gacan qaadeen gudaha Wasaarada Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xaange iyo Agaasimaha Cashuuraha Faysal Xaashi ay shalay galab dagaal fool-ka-fool ah ku dhex maray dhismaha Wasaaradda.

Dagaalka ayaa salka ku hayay qeybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda shirkadii gaarka loo lahaa ee ay ku siiyeen qandaraasyada soo xareynta dakhliga gudaha.

Faysal ayaa ka mid ahaa qofkii uu shaqada ka joojiyey Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur oo shaqadaas ku waayey arrintan maadaama Feysal uu yahay saaxiibka Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM