Lacagta lagu iibiyey safaaradda Soomaaliya ee Washington

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u heshay hanti maguurto ah oo ay yeelaneyso safaaradda ay ku leedahay Washington, caasimada waddanka Mareykanka.

Dhismaha cusub oo ka kooban dhowr dabaq ayaa waxa uu ku yaalaa aaga ay ku badan yihiin safaaradaha. Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan waddankaasi ayaa si rasmi ah xariga ka jaray.

Farmaajo oo "guul taariikhi ah" ku sheegay talaabadan ayaa xusay in loo baahan kawada shaqeynta balaarinta safaarada maadaama dhismahaan uu yahay mid aanan dabooli karin baahida oo dhan.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka ah, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo wafdiga kamid ah kana hadlay madasha ayaa shaaciyey in dhismaha lagu iibiyey 4.3 milyan oo Doollar.

"Muddo ayaan kasoo shaqeynayey, waxaana ku farax-sanahay in aan hanti maguurto ah u helno safaaradeena Washington," ayuu Bayle raaciyey. Dalka Colombia ayaa laga iibiyey dhismaha.

Lacagta lagu iibiyey dhismaha ayaa waxaa laga bixiyey Miisaaniyadda xukuumadda federaalka ah ee sanadkan 2019, gaar ahaan ku noqoshadda oo ay wasaaradu kusoo dartay.

Iibinta dhismaha cusub ee safaaradda Mareykanka ayaa ah wejiga koowaad ee lagu dayactirayo xarumaha diblumaasiyadda ee caalamka, gaar ahaan kuwa muhiimadda gaarka u leh dalka.

Qorshaha labaad ayaa noqonayaa in dhismeyaal loo iibiyo midkood howlgalada diblumaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo sidoo kale Kenya, oo deris la leh dalka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Safaaradii hore ee Soomaaliya ayaa la iibiyey iyadda oo lacagtii lagu beexiyey uu Mareykanka ku wareejiyay dowladda Soomaaliya, waxaana tan iyo xiligaas ay deganaayeen guri kirro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM