Lafta Gareen oo amaro culus dul-dhigay wasiirada cusub ee KG

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Wasiirada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii si rasmi ah xilalka ula wareegay kadib munaasabad kooban oo ka qabsoontay xarunta dowlad goboleedkaasi ee Baydhabo.

Munaasabada xilka wareejinta waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen], madxwaynaha Koonfur Galbeed, Afhayeenka Gollaha Wakiilada iyo xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada maamulkaasi.

Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa [Maye], gudoomiyaha sharcidejinta Koonfur Galbeed, oo madasha ka hadlay ayaa qiray in maamulkii Shariif Xasan Aadan uu wax badan qabtay, isaga oo dalbaday in aan dib loo laaban.

"Waxaan soo marnay mar aysan wasaaraduhu lahayn goobo ay ku shaqeeyaan…maanta taasi way ka duwan tahay…waxaanu dooneynaa in aan horey uga sii socono," ayuu Maye daba dhigay hadalkiisa.

Dhanka kale, Madaxwayne Lafta Gareen ayaa ku amray wasiiradii hore in ay wareejiyaan dhamaan hantida dowladdu leedahay, isaga oo faray xubnaha cusub in aanu ku tagrifalin xoolahaasi dadwayne.

"Wasiirada cusub waxaa laga doonayaan in wax kasta oo ah ku helaan magaca Koonfur Galbeed, xitaa hadiyadaha - aysan la aadin guryahooda, oo ay maamulka kusoo celiyaan…sababta oo ah hadii aysan jagadaasi ku fadhin ma aaney heli lahayn," ayuu raaciyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwaynuhu ku tartarsiiyay masuuliyiinta cusub in dantooda gaarka ah ay dhinac isaga leexiyaan, isla markaana ay ka horumariyaan tan guud.

"Rajo badan ayaa la idinka qabaa..hadii shaqadiina aad ku dartaan daacadnimo iyo cadaalad, meesha la rabay waan la gaarayaan," ayuu xusay, isaga oo raaciyay "Balse, hadii dhaqaalo doon aad tihiin waxba ma suurtagalayaan".

Ugu dambeyntii, madaxwayne Lafta Gareen ayaa qiray amniga uu yahay caqabada ugu wayn ee uu wajahayo maamuulkiia, inkasta oo uu kalsooni balaaran ka muujiyay in uu wax ka qabto mudada uu xafiiska joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM