Lafta Gareen oo kulankii ugu horeeyay la yeeshay Wasiiradda KG [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen], ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyadda magaalada Baydhabo kula kulmay gollaha Wasiiradda Maamulkiisa.

Lafta Gareen ayaa shir guddoomiyay kulanka, oo looga hadlay amniga iyo saameyntii ka dhalatay rabshadihii ka dhacay Baydhabo xilligii loo diyaar garoobayay doorashada bishii lasoo dhaafay.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed ayaa warbixin ka siiyay madaxweyanaha iyo Gollaha wasiirradda xaaladda amniga ee guud ahaan Koonfur Galbeed ka hor iyo kadib doorashadii ka dhacday maamulka.

Kulankan oo intiisa badan ahaa isbarasho maadaama Lafta Gareen uu yahay madaxweyne cusub, oo xafiiska jooga wax ka yar 20 maalmood, islamarkaana aan wali la caleema saarin, inkastoo la dhaariyay.

Lafta Gareen ayaa maalmo kadib doorashadiisa booqasho deg deg ah ku tagey magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool, isagoo halkaasi u tagey arrimo la xiriira xariga Mukhtaar Roobow.

Madaxweynaha ayaa isku dayaya inuu xal u heli kala qeybsanaanta iyo xiisaddii ka dhalatay Roobow, oo xarigiisa dhaliyay rabashado dhiig ku daatey oo Baydhabo ka dhacay kuwaasoo ay ku dhinteen 15 ruux.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa shacabka Koonfur Galbeed ka codsaday in ay is bar bar taagaan dowladnimada oo ay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM