Laftagareen oo UN-ka kala shiray xaalka Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore kadib is-faham la'aan dhanka ajendaha ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Catriona Laing 

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in kulankan looga hadlay Arimaha Bini'adanimada, Amniga, Isbedelka Cimilada, Siyaasada Dalka Dhinacyada Qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga, Dhamaystirka Dastuurka iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka.

"Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Kulanka golaha wadatashiga qaranka ayaa baaqdey bishii hore ka gadaal markii ay madaxda dowladda federaalka iyo maamulada isku-fahmi-waayeen qaabka laga yeelayo ajandaha gaar ahaan qadiyadda la xiriirta doorashooyinka dalka.

GAREWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM