Lafta Gareen oo gudi u magaabey baaritaanka rabashadihii Baydbabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa magacaabay Guddi, kaas oo baaris iyo xog-uruurin ku sameeya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo bishii December 2018.

Kooxdaan oo ka kooban 7-xubnood oo ay kaliya hal Dumar ay ku jirto ayaa la faray inay dabagal dhab ah ku sameeyeen wixii Baydhabo ka dhacay, islamarkaana ay soo gudbiyeen warbixin sax ah.

Talaabadaan ayuu Madaxwayne Laftagareen qaaday kadib markii uu la kulmay Wasiirada maamulkiisa iyo Odayaasha dhaqanka, kuwaasi oo muujiyay sidda ay udoonayaan in la caddeeyo qaabka ay ku yimaadeen shaqaaqooyinka.

Tani ayaa imaanaysa iyadda oo dhowaan dalalka Ingiriiska, Germany iyo Midowga Yurub ay gabi ahaanba joojiyeen taageerida Booliska KGS, iyaga oo dalbaday in sharaxaad laga siiyo arrimihii caasimad goboleedka Bay laga soo wariyay.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku naf-waysay dibad-baxyada rabshadaha watay, oo uu ku jiro Xildhibaan ka tirsanaa Gollaha Wakiilada dowlad goboleedka KGS, kaasi oo lagu magacaabo Cabdishakuur Buule.

Mudaaharaadyada oo maalmo socday ayaa ka dambeeyay markii dowladda Federaalka ay Baydhabo kasoo xirtay 13-kii December, Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo ahaa Musharax Madaxwayne.

Xariga Roobow, oo ujeedkiisu ahaa in laga reebo coddeynta, iyo dhimashada dadkaasi oo u badnaa shacab taageersanaa ku xigeenkii hore hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa Villa Somalia usoo jiiday dhaleecayn caalami ah iyo dalka gudahiisa.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa 16-kii December dhacdooyinkaan darteeda isaga casilay xilka Wasiirka Howlaha guud ee xukuumada Xasan Cali Khayre, isaga oo ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo burburinta KG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM