Maalinta Cancer-ka oo laga xusey Muqdishu

Image

MUQDISHU: Xaflad ay soo agasimeen ururka Somali Cancer society oo dhaqaatiir u badan laguna xusayey ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho  waxaana ka soo qayb galay wasaarada caafimadka, aqoonyahano, siyaasiyiin, culmaa’udiin, haween iyo marti sharaf kale.

Xuska maalinta Cancer duunka inta badan waxaa looga hadlaa kor u qaadida iyo  wacyigelinta dhibaatooyinkiisa iyadoo islamarkaa loo sameynayo dhiirigelint sidii loo daaweynta lahaa cudurkaan. 

Maymuun Cabdi Geele oo ah Gudomiyaha ururka Somali Cancer  Society waxayna sheegtay in aad uga xun tahay in aanay dad badan ka war hayn halista cudurkaan.

“intii aan jirney oo afar bilood ah waxaan diiwaan geliney 48 caruur ah iyo 80 dad waawayn ah oo dhamaantod qaba noocyada kala duwan ee cancer-ka, waxaana ku tala jirnaa inaan samayno tirakoob rasmi ah iyo inaan furno xarumo lagula tacaalo halista cudurkaan.`' 

Waxaa kaloo  hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somalia Dr. Cabalqani Shiikh Cumar, waxa uu sheegay in garab taagan yihiin madaxda ururka Somali Cancer society waxa uuna balan qaaday iney tababaro wacyigelin ah bixin doonan si loo yareeyo halista cudurka cancer-ka

Madaxdii goobta ka hadashay waxay isla qireen in aanay jirin wax wacyigelin ah oo ku saabsan cudurka Cancer-ka iyo noocyadiisa kala duwan oo ka jirta Soomaaliya, waxyna intaa ku dareen in loo baahan yahay iwacyi galin baahsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM