Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga oo lagu xusay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa ku matalay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan  2-da Juun.

Aadan Madoobe ayaa, sida uu xafiiskiisa shaaca ka dhigay, waxaa munaasabadda ku wehlisay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar 

Maalintan oo loogu magacdaray Italian Festa della Repubblica waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii  Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi.

Munaasabada oo ay martigelisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa dhambaal  hambalyo  ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cod dheer wuxuu ugu rajeeyay dalka Talyaaniga in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM