Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga oo lagu xusay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa ku matalay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan  2-da Juun.

Aadan Madoobe ayaa, sida uu xafiiskiisa shaaca ka dhigay, waxaa munaasabadda ku wehlisay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar 

Maalintan oo loogu magacdaray Italian Festa della Repubblica waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii  Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyadda xiligaasi uu lahaa dalkaasi.

Munaasabada oo ay martigelisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan madaxweynaha JFS ayaa dhambaal  hambalyo  ku aaddan maalintan la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cod dheer wuxuu ugu rajeeyay dalka Talyaaniga in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM