Maamul goleedyada oo xiriirka u jaraya dowladda Soomaaliya

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hogaamiye-yaasha maamul goboleedyada ayaa qorsheynaya inay joojiyaan wadashaqeynta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xilli la filayo inay war-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda Kismaayo.

Mas'uul sare oo ku sugan Kismaayo, oo magaciisa ka gaabsadey ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in illaa Villa Somalia ay ka fuliso heshiisyadii hore ay joojiyanayaan xiriirka ay la leeyihiin.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa tan iyo Talaadadii lasoo dhaafey shir uga socdaa magaalada Kismaayo, iyagoo si aad ah khudbadahooda ugu dhaliilay hab-dhaqanka dowladda Federaalka.

Waxaa lagu wadaa in maanta Shirka Kismaayo laga soo saaro War-murtiyeed, kaasoo lagu shaacin doono inay maamul goboleedyada xiriirka u jareen dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo saanadkii 2017, waxaa sii xumaanayay xiriirka dowlad goboleedyada iyo Villa Somalia, oo lagu eedeeyay inaysan waxba ka fulin dhamaan heshiisyadii ay kuwada gaareen shirarkii dalka lagu qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM