Maamulka gobolka Hiiraan oo diidey in ciidanka Masar lagu badalo askarta Itoobiya

Image
Hadalkan ayaa daba socda diidmo ka timid maamulka gobolka Gedo oo kasoo horjeestay in ciidamada Masar la geeyo gobolkooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in aysan waxba la wadaagin Masar, waxayna ka digeen in ciidamada Masar la geeyo bartamaha Soomaaliya.

Maamulka gobolka ayaa carabka ku adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee labada shacab, iyo sidoo kale iskaashiga ganacsiga iyo amniga ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaalida, gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan.

“Waxaan leenahay wada shaqeyn dhanka amniga ah, gaashaandhigga, iyo ganacsiga is dhaafsiga Itoobiya, waan isku tiirsannahay, badeecadeena ganacsi waxay si habsami leh uga socotaa Hiiraan ilaa Feerfeer ilaa Jabuuti” ayay yiraahdeen.

"Ma jirto wax naga dhexeeya Masar marka laga reebo inay yihiin waddan Carab ah iyo Muslim, aan wajahno xaqiiqda," ayay raaciyeen.

Hadalkan ayaa daba socda diidmo ka timid maamulka gobolka Gedo oo kasoo horjeestay in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya, iyagoo ka digay inay colaad hor leh u abuurto shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM