Maamulka Jubaland oo xil-ka qaadis ku sameeyey Maareeye

Image

Talaado, Sebtember 30, 2014 [GO]- Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska wasaarada warfaafinta, isgaarsiinta iyo gadiidka cirka ee maamulka Jubbaland ayaa xilla ka qaaday Maareeyihii garoonka diyaaradaha Kismaayo Mudane Carab Axmed Cali waxaana loo magacaabey Cabdiqaadir Cabdulaahi Maxamed.

Munaasabada ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta, boostada, isgarsiinta iyo gaadiidka Mudane Ibraahim Maxamed Aadan (Baajuun) halka dhinaca kale Maareyaha cusub warbaahinta u sheegey hawlaha horyaal isagoo u mahad celiyay maamulkii ka horeeyay ee shaqada waday.

Sidoo kale Maxamed Ismaaciil dhuxuloow ayaa loo magacabay taliyaha ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Munaasabadaan ayaa ka dhacdey hoolka shirarka garoonka diyaaradaha Kismaayo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM