Koonfur Galbeed oo diiday maamulka Ceelbarde looga dhawaaqay

Image

26 December, 2016(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Somalia Xasan Cabdi Maxamed ayaa maamulka shalay looga dhawaaqay Ceelbarder gobolka Bakool ku tilmaamay mid sharci darro aysan ogolaan doonin.

Xasan Cabdi ayaa tilmaamay in gobolkaasi kamidyahay deegaanada Koonfur Galbeed Somalia.

Dadka ku dhaqan deegano katirsan gobolka Bakool ayaa samaystay maamul ay ugu magac-dareen Bakool sare, kadib markii saluug kamuujiyeen qoondada laga siiyay maamulka gaar ahaan Xildhibaanada, maamulka uu madaxweynaha kayahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Bakool Sare ayaa waxaa Madaxweyne loogu doortay Axmed Nuur Shiikh Maxamed, halka Madaxweyne ku-xigeen laga dhigay Cabdillaahi Sahal Nirig.

Arrintan waxaa taageeray mudanayaal katirsan dowladda Federalka Somalia, waxayna qaybtooda ka qayb galeen xafladda lagu dooranayay hogaanka sare ee maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM