Koonfur Galbeed oo diiday maamulka Ceelbarde looga dhawaaqay

Image

26 December, 2016(GO)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Somalia Xasan Cabdi Maxamed ayaa maamulka shalay looga dhawaaqay Ceelbarder gobolka Bakool ku tilmaamay mid sharci darro aysan ogolaan doonin.

Xasan Cabdi ayaa tilmaamay in gobolkaasi kamidyahay deegaanada Koonfur Galbeed Somalia.

Dadka ku dhaqan deegano katirsan gobolka Bakool ayaa samaystay maamul ay ugu magac-dareen Bakool sare, kadib markii saluug kamuujiyeen qoondada laga siiyay maamulka gaar ahaan Xildhibaanada, maamulka uu madaxweynaha kayahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Bakool Sare ayaa waxaa Madaxweyne loogu doortay Axmed Nuur Shiikh Maxamed, halka Madaxweyne ku-xigeen laga dhigay Cabdillaahi Sahal Nirig.

Arrintan waxaa taageeray mudanayaal katirsan dowladda Federalka Somalia, waxayna qaybtooda ka qayb galeen xafladda lagu dooranayay hogaanka sare ee maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM