Maamulka Koonfur Galbeed oo wadahadal la furi doonta Bakoole sare

Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa shaacisay inay wadahadal la furi doonta dadka kasoo jeeda deegaanada looga dhawaaqay maamulka loogu magacdaray Bakool Sare.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Koofur Galbeed Maxamed Cumar Saytuun oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa tilmaamay in arrintaasi katimi Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan xalna u arkeen.

Wuxuu sheegay wasiir Saytuun dadka kasoo jeeda deeganada maamulka laga dhisay inay diyaar u yihiin wadahadal laga yeesho arrimaha la isku khilaafay, wuxuuna tilmaamay in Madaxweynaha loo doortay Bakool Sare kamid ahaa xukuumadda Baydhabo.

Hadalka kasoo yeeray Koonfur Galbeed Somalia kama aysan hadlin maamulka Bakool Sare oo horey u xaqiijiyay inuu dhammaaday waqtigii wadahadalka, balse haatan gaareen xilligii aayahooda katashan lahaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM