Maamulka Xasan Sheekh oo $7.8 milyan u diray Ururka Bariga Afrika

Image
Lacagtan ayaa lagu darayaa miisaaniyadda Ururka Bariga Afrika sanad maaliyadeedka 2024/25.

NAIROBI, Kenya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay bixisay $7.8 milyan oo ah qoondada kaga soo aaday miisaaniyadda Ururka Bariga Afrika sanad maaliyadeedka 2024/25.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa talaabadan kaga wanaagsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ku biirtay ururkan labo sano ka hor, balse weli aan wax boqolkiiba ah ku darsan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii hore soo dirtay lacag dhan $7,853,071, wax yar ka hor inta aan la horgeyn miisaaniyadda EAC ee golaha sharci dejinta.

Qaaraanka Soomaaliya ayaa sidaas darteed waxa uu miisaaniyada ururka oo ahaa $103,842,880 sanad maaliyadeedkii 2023/24 ka dhigay $112,984,442 ee 2024/25.

Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijisay in ay ka go’an tahay ka mid noqoshada EAC, iyadoo muujisay ka qayb galka shirka muhiimka ah ee gobolka oo bishii hore lagu qabtay Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM