Madaafiic lagu garaacay Saldhig ciidamo Ajnabi ah ku sugan yihiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar Madaafiic ay ku beegsadeen Saldhig ay ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Hoobiyaasha qaarkood ay ku dhaceen gudaha Xeradda la weeraray, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay.

Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warisdaha Garowe Online, waxay tilmaameen inay maqleen ugu yaraan Lix madfac iyo Qaraxyo, kuwaasoo dhawaqooda uu aad u cuslaa.

Saraakiisha ciidamadda xooga dalka Soomaaliya oo falkaan u xaqiijiyay warbaahinta waxay sheegeen inuu jiro burbur baahsan oo ay sababeen Madaafiicda lagu asqeeyay Saldhiga ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan.

Shabaab ma aysan carabaabin khasaaraha nafeed, ee ka dhashay weerarka Madaafiicda ah, inkastoo ay daboolka ka qaadeen inuu jiro khasaaro uu geystay weerarka Hoobiye-yaasha ah.

Taliska AMISOM, iyo midka ciidamada Kenya wali war kama aysan soo saarin dhankooda weerarka beegsaday Xerada ay ku leeyihiin Tuuladda Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo.

Tuuladda Fax-faxdhuun oo ku dhow magaaladda Ceel-waaq ee xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa xaaladeeda laga soo sheegayaan inay tahay mid degan, wallow dadka deegaanka hadalhayaan.

Sikastaba, Weerarka Hoobiye-yaasha ah ayaa kamid ah xeeladaha dagaal oo ay adeegsato Al-Shabaab marka ay howlgal fulinayaan, waxaana ka dhasha Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM