Madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya [Xafiisyada ay ku dhaceen]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal maanta oo Sabti ah ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaafiic oo daryenkooda laga maqlay qeybo kamid ah caasimada ayaa ku dhacay gudaha Madaxtooyada, sida ay sheegeen illo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamida hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Villa Hargeysa – hoolka shirarka ee gudoonka Gollaha Shacabka iyo Xafiisyo ay leeyihiin Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

"Madfaca ku dhacay xafiiska Villa Hargeysa waxa ka dhashay dab qabsaday gadiid ay leeyihiin gudoonka, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo," ayuu yiri qofka la hadlay GO oo sababo jira uga gaabsaday magaciisa.

Dhamaan xafiiska ay madaafiicdu ku dhaceen ayaa ku yaalla dhinaca xaafada 15-ka May ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

"Khasaaro nafeed ma jiro, inkasta oo mid maaliyadeed ay taagan tahay," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ma jiro mas'uul ka tirsan Villa Soomaaliya ama laamaha amaanka oo ka hadlay dhacdadaan, inkasta GO uu isku dayey in uu la xiriiro, balse ma aysan ka jawaabin.

Weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday Madaxtooyada ayaa imaanaya iyada oo maalin kahor uu caasimada ka dhaceen qaraxyo galaaftay nolasha in ka badan 30 ruux, xili dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM