Madaafiic lagu weeraray xerada Xalane iyo garoonka Muqdisho

Image
Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay gudaha xerada Xalane.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro hoobiyeyaal ayaa maanta oo Khamiis ah waxay ku dhaceen xaafadaha kaabiga ku haya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho iyo xerada Xalane.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay gudaha xerada Xalane halka mid kale laga soo sheegay Xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir.

"Inkasta oo uusan wax khasaaro ah geysan, mid kamid ah madaafiicda wuxuu ku dhacay nawaaxiga xarunta mid kamid ah hay'adaha Qaramada Midoobay," ayuu yiri goobjoogahan.

Sidoo kale, madfaca laga soo sheegay inuu ku dhacay afaafka xaafadaha shacabka dagan yihiin ee xiga dhanka degmadda Wadajir ayaa waxaa la wariyay inuu ku dhaawacmay hal qof.

Ma jirto illaa haatan koox sheegatay weerarkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa ka dambeeya Al-Shabaab. Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin.

Xerada Xalane oo ammaankeeda aad loo adkeeyo ayaa waxaa dagan dhamaan hay'adaha reer galbeed ee taageera dowladda federaalka Soomaaliya iyadda oo horey dhowr jeer sidaan oo kale loo beegsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM