Madasha Xisbiyada Qaran oo war kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Image
Image

ISTANBUL, Turkey - Kadib kulan wadatashi ah, oo xubnaha Madasha Xisbiyada Qaranka isagu tagey magaaladda Istanbul, ee dalka Turkiga ayaa waxay soo saareen war-murtiyeed ka kooban 13 qodob, oo looga hadlay kulanka mudada shanta cisho socday.

Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku midoobey 6 xisbi ayaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dowladda Federaalka ay ciidankii, hubkii iyo dhaqaalihii loogu tala-galay la dagaalanka Al-Shabaab ay u weecisay "diidinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed" iyo burburinta dawlad goboleedyada dalka.

Waxay sheegtay madasha ay mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalata uu qaadi doono hogaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madasha ayaa ugu baaqday ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya inay waajibaadkooda u gutaan si dastuuri ah, oo siyaasad ka madaxbanaan, waxaana looga digay inay qaataan islamarkaana fuliyaan amaro khilaafsan dastuurka dalka iyo shuruucda ciidamada qalabka sida.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM