Madasha Xisbiyada Qaran oo war kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Image
Image

ISTANBUL, Turkey - Kadib kulan wadatashi ah, oo xubnaha Madasha Xisbiyada Qaranka isagu tagey magaaladda Istanbul, ee dalka Turkiga ayaa waxay soo saareen war-murtiyeed ka kooban 13 qodob, oo looga hadlay kulanka mudada shanta cisho socday.

Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku midoobey 6 xisbi ayaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dowladda Federaalka ay ciidankii, hubkii iyo dhaqaalihii loogu tala-galay la dagaalanka Al-Shabaab ay u weecisay "diidinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed" iyo burburinta dawlad goboleedyada dalka.

Waxay sheegtay madasha ay mas'uuliyadda dhibaatada ka dhalata uu qaadi doono hogaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madasha ayaa ugu baaqday ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya inay waajibaadkooda u gutaan si dastuuri ah, oo siyaasad ka madaxbanaan, waxaana looga digay inay qaataan islamarkaana fuliyaan amaro khilaafsan dastuurka dalka iyo shuruucda ciidamada qalabka sida.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM