Madax ka qaybgashay Aas Qaran oo loo sameeyay Injineer Yariisow

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Meydka gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho ayaa waxaa saaka oo Axad ah laga dejiyay magaaladda caasimad u ah wadanka Soomaaliya.

Madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre, gudoomiyeyaasha labada Aqal iyo xubno kale ayaa Salaada Sanaasada ku tukaday marxuumka.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Eng Yariisow ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xubno kamid ah qoyskiisa oo qaarkood ka yimid dibadda gaar ahaan dalka Ingiriiska.

Madaxweyneyaasha maamuladda Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kasoo muuqday baroor-diiqda oo socon doonta saddex maalmood ee soo aadan xili calanka hoos loo dhigay.

Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Injineer Yariisow] ayaa wuxuu kamid ahaa tobanaanka qof ee ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta Dowladda Hoose 24-kii July.

Injineerka oo dhaawac ahaan loogu duuliyay dalka Qadar kadib markii uu u baahdey baxbaano dheeraad ah ayaa waxaa khamiistii lasoo wariyay in uu u geeriyooday dhaawacaasi.

Laamaha ammaanka Soomaaliya oo warbixinta laga dhowr-sugayo ayaa waxay baaritaano kuwadaan qaabka uu u dhacay weerarka lagu dilay Yariisow iyo cidda fududeysay.

Xarunta gobolka Banaadir ayaa kamid ah meelaha ammaankooda aadka loo adkeeyo ee Dowladda Soomaaliya, iyadda oo ay soo baxayaan tuhuno kala duwan oo la muujinayo.

Macluumaadyo horudhac ah oo la dusiyey ayaa tibaaxaya in haweenay aragga la' oo kamid ah shaqaalaha xafiiska Yariisow ay is-qarxisay xili uu  socdo shir looga hadlayay ammaanka.

MUUQAALKA AASKA

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/9csSlXEIrO8" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM