Madaxa Sirdoonka Sudan oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho booqasho qarsoodi ah ku yimid Taliyaha Sirdoonka dalka Sudan, Saalax Cabdalla Maxamed [Salah Gosh].

Wafdiga Sudan ayaa waxay Xarunta Xisbiga kula kulmeen Ra'iisul Wasaare Khayre, Wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha NISA, Xuseen Maxamed Xuseen, waxayna sidoo kale booqdeen Hamar-Khadiija, oo ah xarunta hay'adda Nabad Sugida.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay muuqaallo kasoo duubaan wafdiga madaxa Sirdoonka Sudan, kasoo kulama kula leh magaalada Muqdisho mas'uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Illo katirsan hay'adaha amniga Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in ujeedka socdaalka wafdiga Sudan uu yahay inay qiimeyn ku sameeyaan hab-dhismeedka NISA, howsheeda iyo tayada Ciidamadeeda.

Sudan ayaa fulinaysa mashruuc ay wadato Qadar oo lagu tababarayo Askarta Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya, oo dhawaan Taliye ku xigeen loogu magacaabey, Fahad Yaasiin, oo xiriir dhaw la leh Xukuumadda Doha.

Booqashada madaxa Sirdoonka Sudan, oo kusoo beegmaysa xilli Fahad Yaasiin dhawan laga soo wareejiyay Villa Somalia, loona magaacaby ku xigeenka taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM