Madaxa UNSOM oo Kenya kala hadlay arrimaha Soomaaliya

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ergayga cusub ee dhawaan Qaramada Midoobey usoo magacawday Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Nairobi wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

Haysom, ahna madaxa howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM] iyo Monica Juma ayaa kawada hadlay khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo amniga dalka.

Arrimaha sidoo kale diiradda ku saareen kulanka ayaa waxaa kamid ah howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM], kaasi oo ay isla qireen inuu laf-dhabar u yahay dagaalka Al-Shabaab.

Labada Mas'uul ayaa ugu baaqay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey inay kordhiyaan taageeradda AMISOM, madaama la doonayo in Soomaaliya ka xorreeyaan Al Shabaab kahor 2020.

Kenya ayaa ciidamo ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah AMISOM tan iyo 2012, iyagoo ka howlgala Gedo iyo Jubbooyinka, oo kamid ah meelaha ay ku xoog badan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM oo dalka soo galay 2007 ayaa ilaaliya xaruumaha muhiimka ah ee dowladda, sida Madaxtooyadda, Gollaha Shacabka, Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM