​Madaxa xisbi islaami ah oo Bangladesh lagu daldalay

Image

Bangladesh ayaa xukun dil ah ku fulisay hoggaamiyihii xisbiga islaamiga ah ee ugu weyn waddankaas, ayadoo loo haystay inuu galay dambiyo dagaal intii uu socday dagaalkii madaxbanaanida ee ay kula jireen Pakistan 1971.

Maamulayaashu waxay sheegeen in Motiur Rahman Nizami lagu deldelay xabsiga dhexe ee Dhaka.

Mr Nizami oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Jamaacatul Islaami, ayaa lagu riday xukunno isugu jira xasuuq, kufsi, iyo inuu abaabulay dil aan cidna loo aabo yeelin intii uu dagaalku socday.

Waa qofkii shanaad ee ka tirsan hoggaamiyeyaasha sare ee mucaaradka oo dambiyo dagaal loo dilo tan iyo sanadkii 2013.

Xisbiga Jamaacatul Islaami ayaa ku baaqay in shaqo joojin waddanka oo dhan laga sameeyo Arbacada, ayadoo looga soo horjeedo dilka.

Wuxuu sheegay in Mr Nizami loo dhibaateeyey aano siyaasadeed.

BBC

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM