Madaxda dalalka AMISOM oo ku shiraya Jabuuti

Image

Madaxweynayaasha dalalka ciidamada nabad ilaalinta geeyay Soomaaliya ayaa manta la filayaa inay ku shiraan dalka Jabuuti.

Ujeedada waxa ay tahay sidii dib loogu eegi lahaa howlgalka iyo hagaajinta hanaankahowlgalka AMSIOM, la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya. 

Kulanka maanta la filayo waxaa ka horeeyay mid ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya oo uu shir gudoominayay madaxa amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika, Smail Chergui. 

Kulamada waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wakiilo ka socda Qaramada Midoobeey, midowga iyo hay’ado kale.

Madaxa isku xirka howlgalka AMISOM ee Somaaliya ayaa gudbiyay dalab uu ku sheegay in uu ku talinayo in la xoojiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya, lana adkeeyo hormarada la garayo. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidamada AMISOM, wuxuuna baraarujiyay qorsheynta wada shaqeynta AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya. 

Madaxa nabadda iyo amniga ee AU, Smail Chergui waxa uu tilmaamay in howlgal adag oo ka dhan ah kooxda Alshaab si degdeg ah loo billaabo.

wuxuuna ku baaqay in dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya ay la yimaadaan qorshayaal lagu xaqiijinayo dhaqaale wanaagsan in loo qoodeeyo howlgalada ciidan. 

Francisco Madeira, oo ah wakiilka AU ee howlgalka Somaliya ayaa shirarka AMISOM ee Jabuuti ku tilmaamay muhiimad lagu go’aaminayo wadashaqeyn wanaagsan, isku xirka howlaha AMISOM iyo kuwa la shaqeeya. 

Go’aankii ka soo baxay kullankii heerka wasiirada ahaa ayaa maanta loo gudbinayaa madaxweynayaasha dalalka ciidamada AMISOM ay ka socdaan ee manta ka dhacaya Jabuuti.

Xigasho: BBC

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM