Madaxda dowlad goboleedyadda oo ku wajahan Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada dalka ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Hogaamiyaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle ayaa ka qeybgalaya munaasabad ballaaran oo ay ku midoobayaan Ahlu Sunna iyo Galmudug oo ka dhacaysa magaalada.

Safarka Madaxweynaha Puntland ee Gobolada dhexe ayaa ku soo beegmeay xilli xaalad dagaal ka jirta Tuulada Tukaraq halkaas oo ciidamada Somaliland la wareegeen maalmo ka hor.

Sidoo kale, waxaa ku sugan Dhuusamareeb Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo wafdi ka socda dowladda Federaalka oo ka kooban labada Golle, Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada, isagoo hadda ku sugan magaalada Cadaado oo xalay uu tagey, halkaasi oo kulamo kula yeeshay Odayaal iyo mas'uuliyiin.

Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa bishii December, 2017 ku saxiixday Muqdisho heshiis awood-qeybsi ah, kaasi oo hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir loogu magacaabay Madaxa Gollaha wasiirada Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in loo soo raro maamulka Galmudug oo tan iyo markii la aas-aasey 2014 ku shaqeynayay magaalada Cadaado, maadaama uu khilaaf kala dhaxeeyay Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM