Madaxda maamullada Soomaaliya oo gaarey Baydhabo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxda dowlad goboleedyada dalka, ayaa ku qulqulaya magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, oo la filayo inuu uga furmo shir muhiim ah.

Waxaa maanta magaalada lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud wafuud ay kala hogaaminayaan Madaxweyniyaasha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Ducaalle Geelled Xaaf iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas].

Wararka aynu la helayno Baydhabo ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid Shirkii lagu waday inuu maanta halkaas uga furmo Madaxda dowlad goboleedyadda Soomaaliya.

Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Shirka uu furmi doono maalinta berri ah, islamarkaana looga hadli doono arrimo muhiim ah oo ku saabsanxaaladda dalka.

Shirka Baydhabo ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo ay kamid yihiin amniga, Siyaasadda, bini'aadanimada, gaar ahaan Fatahaadaha saameeyay gobollada dalka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo dhawaan gaarey meeshii ugu hooseysay.

Kulankan ayaa daba socdaa kulan ay horey ugu yeesheen madaxda Magaalada Kismaayo bishii Oktoobar ee sanadkii hore, halkaasoo ay ku sameysteen Golaha Iskaashiga Maamul goboleedyadda.

Shirka Baydhabo ayaa kusoo aadayaa iyadoo xiriirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyadda uu yahay mid aan fiicneen, waxaana la sheegayaa in arrimaha looga hadli doono ay kamid noqon doonto arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM