Madaxda Somalia iyo beesha caalamka oo kulmaya

Image

MUQDISHU- Waxaa galabta kulan albaabada u xiran yahay ku dhexmarayaa magaalada Muqdishu madaxda dowlada Federaalka Somalia, madaxweynayaasha maamulada Somalia iyo beesha caalamka.

Kulankaan ayaa wararka Garowe online soo gaaraya sheegayaan in madaxda Somalida loo ogolaadey iney kala qayb galaan oo kaliya hal xildhibaan iyo hal wasiir kaasoo noqon doono mid hordhac ah inta uusan furmin shirweynaha guud.

Wararka ayaa sheegaya in farqiga u dhexeeya madaxda Somalida uu aad u balaaran yahay iyadoo madaxda dowlada federaalka, madaxweynaha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug mowqifkooda weli taagan hayay halkiisa.

Dhinaca kale Puntland Jubaland ayaa wararku xusayaan in dabacsanaantii ay ka muujiyeen magaalada Kismayo isbadal ku yimid sida uu Warsidaha Garowe online u sheegey xogogaal aan ka fogeyn kulamadaas.

Beesha caalamka ayaa qoraal ay dhowaan soo saartey u sheegtey madaxda Somalida in laga rabo iney go'aan ka gaaraan qaabka loo galayo doorashada Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira  kulankaan.

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM