Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo is-faham ka gaarey howlgalka ATMIS

Image
Labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la xaqiijiyo qoondo maaliyadeed.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah amniga gobolka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen labada mas’uul ayay ku sheegeen inay muhiim tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed, iyagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay xasilloonida gobolka.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay ayaa ahaa kala guurka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), iyadoo labada mas’uul ay isla garteen in hannaankan uu ahaado mid xasiloon oo si taxadar leh loo maareeyo si looga hortago wax kasta oo faaruq ah oo dhanka ammaanka ah.

Arrinta kale ee xasaasiga ah ee laga wada hadlay ayaa ahayd taageerada dhaqaale ee howlgalka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS.

Labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la xaqiijiyo qoondo maaliyadeed ka hor inta aan la bilaabin hawlgallada AUSSOM, iyagoo muujinaya doorka muhiimka ah ee howlgalka ee amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Kenya ayaa ahaa mid muhiim u ah socdaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Socdaalkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka ee dhinaca nabad ilaalinta iyo xaqiijinta in si habsami leh loogu gudbo AUSSOM, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go'an tahay xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM