Madaxii amniga Doorashada Soomaaliya oo shaqada laga joojiyey

Image
General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo sidoo kale ahaa taliyaha booliska, ayaa lagu eedeeyay in uu ku milmay siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shegay inuu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii Xijaar uu "si bareeer ah iskugu dayay inuu hor is-taago doorashada guddoonka Golaha Shacabka" sida uu ku sheegay bayaan uu goor dhaweyd soo saaray wasiirku.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay taliya ciidamada inuu "si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka" waa sida ku xusan warqadda xilka qaadista taliyaha ee kasoo baxday wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in uu xilka si ku-meelgaar ah ugu magacaay taliye ku xigeenka booliska,isaga sheegay inuu farayo saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsuggida inaysan ku milmin siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Ilaa hadda General Xijaar kama hadlin xilka qaadista lagu sameeyay. Taliyaha ciidanka booliiska oo ah madaxa amniga doorashada ayaa lagu eedeeyay in uu si weyn ugu milmay khilaafaadka siyaasiga ah.

Saacado kahor shaqo ka joojintiisa ayuu warbaahinta ka sheegay: "Booliiska ma qaadi karo mas'uuliyadda kulanka baarlamaanka ee loo qorsheeyay berri maadaama aanan helin wax ka mid ah liisaska iyo xogta lagama maarmaanka ah ilaa hadda. Waxaanu ku talinaynaa in dib loo dhigo fadhiga ilaa diyaar garow ku filan laga helayo".

Dhawaqan ayuu kasoo yeeray xilli daqiiqado kahor uu caddeeyay in uu sugayo ammaanka doorashada. Hadaladiisa waxay yimaadeen xilli uu taagan yahay muranka xildhibaanada laga soo doortey Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM