Madaxii Jabhadaynta Shabaab oo lagu dilay Shabaalaha hoose

Image

22 December, 2015(GO)-Wararka aan ka helayno gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in la dilay ninkii ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhadaynta iyo saraakiil kale, kadib weerar duqayn ah oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone).

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Cuteyba, waxaana lagu dilay halka loo yaqaano Shanta Ameerika oo hoostaga degmada Kuntuwaarey gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalyahanno  ka tirsan Al-shabab ayaa isku gadaamay goobtii duqaynta laga fuliyay, mana jirto xog intaasi dhaafsan oo laga helayo deegaankaasi, waxaana kooxdu xannibtay dhaqdhaqaayadii dadweynaha.

Lama garanayo cidda lahayd diyaarada falkaasi fulisay. Ilaa hadda kama hadlin kooxda Al-Shabaab.

Warar kale oo aan ka helayno deegaanka Shabta Ameerika ee weerarku ka dhacaya tibaaxaya in waxyeello ka soo gaartay dadka ku dhaqan nawaaxiga ay duqayntu ka dhacday 

Saraakiisha Amniga Federalka Somalia ayaa tilmamay inay baarayaan khasaaraha soo garay shacbiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM