Madaxtooyada Jubbaland oo DF xiriir kala sameysay xariga Janan

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Iyadda oo ay wali daaha gedaashiisa ku jiraan eedeymaha loo haysto, Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur [Janan] ayaa saacado ku xiran magaaladda Muqdisho.

Janan oo Sabtidii laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa wuxu kusii jeeday Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, kana yimid Doolow, halkaasi oo uu kula soo shiray saraakiil Itoobiyaan ah.

Maamulkiisa oo xarigiisa ku sifeeyay "afduub baalmarsan dastuurka, shuruucda iyo xasaanadiisa" ayaa wuxuu cod dheer ku codsaday in xorriyaddiisa loogu soo celiyo mas'uulkan "si shuruud la'aan ah".

Taliska Booliska federaalka oo si kooban uga hadlay dhacdadan ayaa tilmaamay in "eedeysanaha" loo haysto "dambiyo culus" wallow uusan kala caddeyn waxay yihiin iyo goorta maxkamad lasoo taagayo.

Madaxtooyadda maamulka Kismaayo ayaa tan iyo markii uu soo baxay warka ku aadan xariga Janan waxay sameysay isku dayo ay ku ogaaneyso macluumaadyo dheeraad ah oo ku aadan qadiyaadan.

Balse dedaaladaasi ayaa noqday hal-bacaad lagu lisay, sidda uu ka dhawaajiyay Cabdi Xuseen, wasiirka warfaafinta Jubbaland, oo u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da in ay "ku hun-goobeen".

"Wax sax ah nooma aysan sheegin, isaga [wasiirka] contact-giisa [telefoonkiisa] wuu go’an yahay, war-saxaafadeedkaasi ayaan ku dalbaneynaa, illaa berrina ma aqaano waxa kasoo bixi doono," ayuu yiri.

Meelaha xogta laga baadigoobay ayaa waxaa ku jirta Aqalka looga armiyo qaranka, balse waa ay ka gaabsadeen in ay warbixin dhiibaan.

"Madaxtooyadda Jubbaland ayaa xiriir sameysay oo xagga madaxtooyadda ah [Villa Soomaaliya], laakiin ma aanan helin war waafi ah, waa ay ka gaabsadeen," ayuu Mr Cabdi hadalkiisa ku daray.

Mar la waydiiyey sida uu maamulkiisa u arko qabashada Janan wuxuu xusay "waa meel ka dhac, xorriyad ka qaad aan meel loogu soo gambaday lahayn".

Warar is-khilaafsan ayaa waxay kasoo baxayan xoogaga dowladda ee qabatay Janan, inkasta oo talisku boolisku isagu sheegtay in uu gacanta ku hayo.

"Ciidanka booliska iyo nabad-sugida ayaa lagu sheegay, madaxtooyadda oo xiriir toos ah sameysanayna war waafi ma aysan helin," ayuu hoosta ka xariiqay, isaga oo u muuqda mid ka xun sida wax u dhaceen.

Isaga oo ka jawaabaya talaabada xigta oo ay qaadayaa ayuu tibaaxay "annaga laba dowladood ma kala nihin, talaabo aan dowladda ka qaadeynana ma jirto, kaliya waxaan caddeynaynaa in ay sharci darro tahay".

Mr Cabdi Xuseen oo ka gaabsanaya in uu kasii horudhaco ayaa wuxuusan meesha ka saarin suurtogalnimada in ay wafuud u dirayaan Muqdisho si ay u soo indha indheeyaan xaalada dhabta ah ee wasiirka.

"Hadii wax jawaab ah kasii bixi waayaan, koley shir dambaa la isugu imaan doonaa, halkaasi ayaana go'aaminayaan," ayuu ku daray, isaga oo "Maya" ku jawaabay hadii federaalka kala soo xiriiray arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM