Madaxtooyada Somalia oo sheegtay inay weerareen Al Shabaab

Image

MUQDISHU, Somalia- War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamo si gaar ah u tababaran oo katirsan milletirga Somalia katirsan ay howlgal ka fuliyeen saldhigyo kooxda Shabaab kulahaayeen deegaanka Goobeele oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.

Ciidamadan ayaa watay diyaarado dhawr ah sida lagu sheegay warka kasoo baxay Villa Somalia, waxaana la xusay in dhammaan saldhigyadaasi dhulka la dhigay.

Majirto wax khasaaro ah oo madaxtooyada Somalia warbaahinta u sheegtay, balse waxay kusoo koobeen inay ku guulaysteen qorshahoodii.

Dowladda Somalia, ayaa xustay inay saldhigyadan la weeraray ahaayeen meelaha ururka Shabaab kasoo maleegaan weerarada ka dhanka ah dowladda gaar ahaan kuwa laga fuliyo gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhinaca kale kooxda Shabaab ayaa warkaasi ka hadashay, waxayna tilmaameen in ciidamo huwan ah oo Ajaanib ku jirto xalay saq dhexe kusoo dageen aga-gaarka deegaanka Goobaalee islamarkaana hoobiyaal kusoo tuureen dhinaca Saldhigyadooda, balse aysan wax dhibaato ah soo gaarin.

Majirto cid si madax-bannaan warkaasi u xaqiijin karta, laakiin goob joogayaal aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay xalay maqlayeen rasaas xooggan oo ay kamidyihiin qoriga Hoobiyaha loo yaqaano, iyagoo intaasi ku daray inaysan waxyeello dhinacooda soo gaaray maadaama ay ka fogaayeen meelaha lagu dagaallamay.

Xaaladd deegaanka Goobaale ayaa lagusoo waramayaa inay haatan dagantahay islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo ka jirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM