Madaxtooyadda Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah u dirtay Eritrea

Image
Fariintan ayaa lagu daabacay barta X (Twitter) ee Villa Soomaaliya xilli Asmara uu gilgilay dabaaldeg.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay waddanka Eritrea oo u dabaaldageysa maalintii ay xorriyada heshay.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in madaxwayne Laftagareen uu farxada la qeybsanayo dadka iyo dowladda Eritrea.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan kal iyo laab ah u diray dowladda iyo shacabka Ereteriya, munaasabadda sannad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen," ayaa lagu yiri bayaanka.

Fariinta ayaa intaas la raaciyay: "Dadka Soomaaliyeed waxay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan xuska safarkii adkaa ee Ereteriya u soo galay madaxbanaanida, iyadoo la sii aqoonsanayo taariikhda wadaagga ah iyo xidhiidhka waara ee ka dhexeeya labadeena dal".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    12-08-2025

  • 04:33PM

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM