Madaxwaynaha Dowladda Federaalka oo tagay Baraawe

Image
Image
Image
Image

October 11, 2014 (GO)- Madaxwaynaha dowladda Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa socdaal aan horay loo shaacin ku tagay maanta oo Sabti ah degmada Baraawe oo ka tirsan Gobalka Shabeelada hoose.

Wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa ayaa u raacay degmada Baraawe halkaaso ciidanka AMISOM  iyo kuwo DF  adkeeyeen ammaanka wadooyinka.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la kulmay qaar ka mid ah Odayaasha iyo masuuliyiinta Baraawe wuxuna kala hadlay xaalada iyo ka bixitaankii kooxda Al-Shabab ka dib waxay dareemayaan.

Waxa uu shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo dagaal xoogan kula jira kooxda Al-Shabab.

Odayaasha ayaa ka codsaday in laga caawiyo addeegyadda waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.

Wararka kasoo baxaya kooxda Al-Shabab ayaa sheegaya inay qal-qaliyeen diyaaradii siday madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud inkastoo markii danbe madaxwayne Xasan Shiikh uu si nabadgalyo ah ku tagay.

Magalada Baraawe ayaa 6-sano gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabab hase yeeshee todobaadkii hore ayay si nabadgalyo ah isaga baxeen dagaal yahanadda kooxdu, balse socdaalka Xasan Shiikh ayaa noqoya kii ugu horeeyay 23-sano ka dib uu madaxwayne Soomaaliyeed ku tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM