Madaxwaynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Turkiga

Image
Image

Isniin, September 1, 2014 [GO] Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ''Madoobe'' ayaa maanta madaxtooyadda Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga.

Axmed Madoobe ayaa uga war bixiyay masuuliyiintan ka socda hay'adda hormarinta Turkiga ee TIKA iyo hay'adda Laanqeyrta Cas xaalada Gobaladda uu ka kooban yahay mamulkiisa iyo baahiyaha ka jira.

Waxa uu tilmaamay Madoobe inay hadda u baahan yihiin sidii wax looga qaban lahaa dhismaha iyo dayactirka Dekadda Kismaayo,Garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka magalada oo dhamaantood saamayn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Madaxa hay'adda horumarinta dalka Turkiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan TIKA Axmed Goccer ayaa isna balan qaaday in ay mashaariicyo ka fulinayaan Kismaayo ujeedkoodana yahay u kuur gelida halka ay wax ka bilaabi lahaayeen.

Sidoo kale Goccer ayaa shegay in maalmaha soo socda laamaha gargaarka ee Turkiga soo gaari doonaan magalada Kismaayo si ay xarumo uga furtaan.

Seddex cisho ayaa lagu wadaa in ay wafdiga jogaan Kismaayo iyagoo booqan doono dekedda Kismaayo, Cisbitaalka guud ee magalada, jaamacadaha iyo Dugsiyada waxbaraho ee ka jira Kismaayo.

Imaanshiyaha wafdiga ayaa ku soo aadaya xili madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu gaaray dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad shil ku gashay Garoonka Muqdisho

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafayay, shilka noocan ah ayaa ka dhacayay garoonka Aadan Cadde, ee magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    01-04-2025

  • 02:09PM

Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay baaqa Xasan Sheekh

Xasan Sheekh ayaa isku soo koobey xukunka dalka, iyadoo taasi dhaxal-siisay inuu ku guuleysan waayay dagaalka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-03-2025

  • 09:59AM