Madaxwayne Deni oo Boosaaso ka daahfuray dhismaha jaamacad cusub

Image
Dhismahan cusub waa xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Deni ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn sidaa darteed loo baahanyahay in laga wada qeybgeliyo dhammaan Jaamacadaha Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Duqa degmada Boosaaso Mudane Cabdifataax Shanle iyo Maamulka Jaamacadda City Cot ee magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM