Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Image
Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya  si uu uga qayb-lgalo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo  maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi,  wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas'uuliyiinta ka socda Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM