Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo degmada Cadale tegey

Image

October 10, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey degmada Cadale ee gobolka Shabeelada Dhexe, degmadaas oo maalmo kahor ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabab.

Ugu horeyn wuxuu la kulmay maamulka gobolka Shabeelada Dhexe iyo maamulka iyo waxgaradka degamada Cadale, wuxuuna ka dhegeystey warbixin ku saabsan xaaladda gobolka iyo hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamada huwantu ka sameeyeen gobolka.

Gooob fagaare ah ayuu kula hadlay boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Cadale wuxuuna u sheegay inay dowladda ka go'an tahay sugidda ammaanka si gobolka looga dhigo mid xasiloon dadkuna fursad ugu helaan inay horumar sameeyaan.

Dhanka kale Xasan Sheekh wuxuu degmada Cadale kula kulmay saraakiisha hogaaminaya ciidamada ku sugan gobolka Shabeelada Dhexe, wuxuuna ku booriyey inay sii dardar geliyaan hawlgallada Al-shabab looga sifeynayo gobolka.

Cadale waxay 200km dhanka Waqooyi-biri ka xigtaa magaalada Muqdisho, waxayna ciidamada dowladu la wareegeen labadii bishan October kadib amrkii kooxda Al-shabab isaga baxday.

Booqashada Madaxweynaha Dowlad Federaalka ee degmada Cadale waxay kusoo beegmaysaa xilli maanta Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh isaguna markii ugu horreysey booqasho kusoo gaarey magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM