Madaxweynaha Eritrea oo kusoo wajahan Muqdisho iyo wadooyinka oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta magaalada Muqdisho booqasho ku imaanayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu casuumaad u fidiyay Isaias Afwerki, waxaana ay kawada hadli doonan xoojinta xiriirka labada wadan.

Wadooyinka magaalada ayaa la xiray, waxaana gebi ahaanba la hakiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha, iyadoo ciidamo badan la dhigay xalay jidadka ku dhaw Garoonka diyaaradaha illaa xarunta Villa Somalia.

Booqashada Afwerki ee Muqdisho oo aan la ogeyn inta maalmood ama saacadood ee ay qaadan doonto ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Madaxweyne Farmaajo uu Gollaha Shacabka ka yaallo Mooshin xilka-qaadis ah, oo ay ka keeneen 92 Xildhibaan.

Sababaha Mooshinka looga soo gudbiyay Farmaajo waxaa kamid ah inuu heshiis qarsoodi ah, oo aan lagu wargelin Baarlamaanka iyo Gollaha Wasiiradda uu lasoo galay dowladaha Eritrea iyo Itoobiya, iyo ku xad-gudubka awoodaha Madaxweynaha.

Lama oga in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu isna imaan doono maagalada, maadaama bishan December ay ku balansanaayeen hogaamiye-yaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya inay kulankooda 3aad ku qabsadaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM