Madaxweynaha Galmudug: gobolka Mudug lama kala qaybin karo

Image

October 15, 2014 (GO)- Maamulka Galmudug ayaa dhaliilay heshiiskii shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa waraysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaaacada VOA wuxuu ku sheegay in heshiiskaasi ahaa mid sharci darro ah dastuurkana aan waafaqsanayn waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar la weydiiyey waxa Galmudug qoonsatay wuxuu sheegay inay sharci darro tahay in lakala qaybiyo gobolka Mudug oo sida heshiiskii shalay dhigayo  qaybta Koonfureed iyo gobolka Galguduud lays raaciyey qaybta Woqooyiga oo horay Puntland uga tirsaneydna Puntland la raaciyey.

" waa diidannahay in gobolka la kala jaro, waana khalad in Ra'iisul Wasaaruhu intuu Garowe tago uu gobolka kala qaybiyo, howshaasi gudiga xuduudaha ee Federaalka ayey u taal" Qaybdiid ayaa sidaas yiri.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkiisu gebi ahaanba xiriirka u jaray xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed isagoo ku eedeeyey Wasiirka Koowaad ee xukuumada Federaalka inuu dalka si sharci darro ah u kala qayb qaybinayo si dadweynaha Soomaaliyeed isaga hor yimaadaan.

Puntland oo shaki weyn ka qabtay heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay [July 31, 2014] ee maamul u sameynta gobollada dhexe waxay Dowlada Federaalka ku khasabtay inay cadeyso xuduudaha uu maamulkaasi yeelanayo si aan loogu soo xadgudbin xuduudaha dhuleed ee Puntland, waana sababta keentay in heshiiskii shalay Garowe lagu kala saxiixday lagu daro qodob qeexaya in Koonfurta gobolka Mudug raaci doonto maamulka gobolada dhexe Woqooyiguna yahay qayb ka tirsan dhulka Puntland.

Dowlada Federaalka iyo Puntland weli wax jawaab ah kama bixin hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale, waxase la filayaa inay saacadaha soo socda jawaab ku haboon ka bixiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM